Rail Safety in Somali

Xaashida Xaqiiqada

Nabadgalyada Asaasiga Marka La Gudbayo Isgoysyada Jidadka Tareenka 

Wakhti kasta filo tareenka.
Si xaqiiqa ah uma ogaan kartid wkhtiga uu tareenka mari doono isgoysyada, xataa haddii isgoysku uu yahay mid aad maalin kasta ku martid lug ama gaari. Tareenada xamuulku jadwal caadi ah kuma socdaan, sidoo kalena jadwalka tareenada qaada dadka waxa uu isbadali karaa wakhti kasta. Markasta digtooni qab, sababta oo ah tareenku waxaa uu meesha soo mari karaa wakhti kasta maalin ama habeen jid kasta asaga oo u socda jahadii la doono.

Ha ku sirmin-tareenku wuu ka dhowyahay waana ka dheereeyaa inta ay kula tahay!
Sida ay diyaaraddu ugu muuqato in ay tartiib u socoto, ayaa indhahaagu ku siri karaan marka tareen soo socdo-waxa uu tareenku indhaha ula muuqan karaa mid kaa fog oo si tartiib ah oo ka yar inta dhabta ah uu kuu jiro ama xawaaraha dhabta ah uu ku socdo. Ha is galin khatar-way fududahay in lagu khaldamo tareenka xawaarihiisa iyo inta uu kuu jiro gaar ahaan habeenkii.

Tareenadu si dhakhso ah uma joogsan karaan umana leexan karaan.
Markii bareegga si buuxda loo qabto, tareen xamuul ee buuxa kuna socda xawaare dhan 55 mayl saacaddii, waxay ku qaadan kartaa hal mayl ama ka badan si uu u joogsado. Tareen fudud waxa uu u baahan yahay 600 fiit si uu u joogsado, Tareenka ka koobma 8-gaari kuna socda 80 mayl saacaddii waxa ku qaadataa hal mayl in uu joogsado. Xataa haddii uu ku arki karo injineerku ma haysto wakhti ku filan in uu kaa joogsado.

Joogso oo sug haddii ay albaabadu xiranyihiin ama nalaku big-big leeyihiin.
Haddii ay albaabada xiran yihiin ( birtu hoos u dhacsantahay joogso oo sug-taasi waa sharci. Soco marka ay albaabadu furmaan nalka gaduudana ay joojiyaan big-bigta).

Iska hubi jidadka oo dhan inta aadan goynin.
Haddii aad goynaysid isgoys ka kooban hal jid, aad ooga taxaddar marka uu tareen ku dhaafo. Inta aanad goynin, hubi tareen kale in aanu ku soo jirin wado kale ama jaho kale-kan kowaad waxa uu kaa qarrin karaa kan labaad.

Ha ku Xannibmin wadada Tareenka.
Marna ha ku wadin gaariga wadada tareenka in aad hubtid mooyee in aad dhanka kale u gaari katid adiga oo aan istaagin. Haddii gaarigu kaa fariisto jidka dhexdiisa , isla markiiba ka saar dadaka saaran oo dhan xataa haddii aadan arkin tareen soo socda. Dhakhso ooga bax jidka tareenka. Haddii tareen soo socdo, u soco dhanka uu u scodo marka aad ka baxdid jidka. Haddii aad u carartid dhanka uu u socdo, waxaad ku dhaawicmi kartaa firirka ka yimaada marka uu tareenku ku dhaco gaariga. Markii aad gaartid meel amaan ah kana durugsan isgoyska wac 9-1-1 ama lambarka xaaladaha deg-degga ah ee ku dhagsan isgoyska.

Ha ku Meeraysan Dhulka tareenada adiga oo (xitaa) lug ah.
Jidadka tareenada iyo dhulka iyo dhismaha ku dhinac yaala waa hanti gaar ah-ayaga ayaan mudnaanta kowaad u leh jidka. Ka joog tareenada iyo jidadkooda. Ha ku xad-gudbin-waa sharci darro dhimashana way keentaa marar badan.

Calaamadaha iyo Ishaarooyinka

Isgoysyada haywayada iyo jidadka tareenka waxa ay la mid yihiin isgoysyada caadiga ah, sida meelaha ay wadooyinu iska gooyaan. Isgoysyada qaar waxa ay leeyihiin calaamado u sheega in ay wadadu ay goyn doontu jid tareen. Isgoysyada jidadka tareenka ee aan lahayn nalalka waxaa loo yaqaan isgoysyo “aan shidmin” waayo malaha qalab daarmaya marka uu tareenku soo dhawyahay. Isgoysyada qaar ayaa waxay leeyihiin nalal big-big yiraahda, jaras (ama beel), ama qalab kale ee digniin ah marka uu tareen soo dhowyahay. Kuwaas waxaa loo yaqaan isgoysyada “shidma” sababta waxa ay leeyhiin qalab daarmaya marka uu tareenku soo dhawyahay si dhab ahna ugu diga darawlada iyo dadka lugta ah.

Calaamadaha aan shidmin ee aad arki kartid inta aadan soo gaarin isgoysyka
Calaamad Jaalle ah ee Wareegsan ee Usii-degidda . Tani waxa ay baabuur darawalada ooga digtaa in ay wadadu meel dhow ka goynayso jid tareen. Darawalada marka ay arkaan calaamaddaas waxa ay xusuusisaa in ay tartiib u socdaan, dhagaystaan, eegaanna tareen diyaarna u noqdaan in ay joogsadaan haddii tareen soo socdo.
Sidoo kale la soco calaamadaha ku qoran wadada laamiga ah ee u dhow calaamadda Jaallaha ah ee Wareegsan ee Usii-degidda, taas oo ayana xusuusisa in ay wadadu mar dhow goyn doonto jid tareen.
Wadooyinka laamiga ah, calaamad joogsiga ayaa ku qornaan karta meel si nabad ah ooga durugsan jidka. Halkaas istaag oo eeg tareen soo socda. Wadooyinka aan laamiga ahayn malaha calaamadahaas ama calaamadda dhulka ku qorran ee joogsiga. Sidaas darted wadahu waa in uu joogsadaa meel ka dambaysa calaamadda isgoyska (fiiri hoos) ama ishaarada isgoyska. Hadii ayna lahayn xariiq istaagid, waa in uu darawalku joogsadaa in u jirta tareenka ugu yaran 15 fiit iyo ugu badnaan 50 fiit ee jidka.
Calaamadda Jaallaha ah ee afar-geeska ah waxa ay sheegtaa isgoys hayway iyo jidadaka tareenka ee soo bixi doona marka aad midig ama bidix u leexatid.

 

Calaamdaha aan shidmin ee isgoysyada jidka tareenka
Calaamdda isku tallaabta ah ayaa looga baahnayahay isgoysyada oo dhan. Waxaa ay leeedahay labo sabuuradood ee cad-cad oo ay ku yaalan kalmadaha RAILROAD CROSSING (loolana jeedo isgoys tareen). Waana in loo tix galiyaa sida calaamadda YIELD (mudnaan sii kan kale). Waa in aad tareenka siisaa mudnaanta.
Fiiri hoosta calaamadda isku tallaabta ah si aad u aragtid haddii ay jiraan calaamado kale ay sheegaya inta jid ee marta meesha. Haddii uu yahay hal jid ka badan, calaamaddaas ayaa ku ooli doonta. Marka uu hal tareen ku dhaafo, eeg oo dhagayso bal in wax tareeno ah ay ka soo socdaan dhanka kale.
Calaamadaha JOOGSIGA (STOP) iyo kuwa MUDNAAN SIINTA (YIELD) ee isgoysyadu waxa ay la micne yihiin kuwa kale ee isgoysyada caadiga ah ku yaal. Wadeyaashu waa in ay istaagaan meelaha JOOGSIGA ee ka horeeya jidadka tareenka, wade kastana waa in uu mudnaanta wadada siiyaa tareenka.
Calamadaha DO NOT STOP ON TRACKS (HA ISTAAGIN WADADA DHEXDEEDA) waxay xusuusiyaan wadeyaaashu in aanan sina u joogsan jidka dhexdiisa.

 

Calaamadaha MEESHAAN HA DHAAFIN (NO TRESPASSING)
Calaamadaha MEESHAAN HA DHAAFIN (NO TRESPASSING) waxaa badanaa lagu dhajiyaa boondooyinka, tuneelada, waxyaabaha celiya boondada, mudnaaan lahaanshaha tareenada iyo goobaha tareenada. Meeshu ama ha la haato calaamadda “No Trespassing” ama yaanay lahaan, dadka ku socda jidadka tareenka iyo meelaha u dhow, boondooyinka ama tunneelada waa la xiri karaa waana la ganaaxi karaa. Xadgubidda meelahaas khatar ayay galin kartaa naftooda.

 

Calaamadaha shidma ee isgoysyada tareenada
Nalalka digniinta ee gaduudka ah, oo ay la socdaan jarasyo (beelka) iyo albaabo, ayaa loo adeegsadaa digniinta darawalada iyo dadka lugta ah marka uu tareen soo dhowyahay. Waa sharci darro in lala wareego albaabka. Sidoo kale qalabka digniinta oo la iska indho tiro oo lala wareego albaabka, waxa ay wadaha sharci ahaan dusha ka saaraysaa wixii geeri, dhaawac ama dhib kale ah ay ka yimaada shil uu sababay. Isgoysyada leh calaamadaha shidma: 1) Joogso ee sug albaabku inta uu kaa furmayo 2) Joogso nalalka digniinta hadii ay big-big leeyihiin soco oo kaliya haddii uuna tareen muuqan.

HGudubka Jidka Taareenka

Jidadka (biraha) badan
Marka aad u soo dhowaatid isgoyska tareenka, fiiri calaamadda isku tilaabta ah hoosteeda bal haddii ay jirto calaamad sheegaysa in uusan jidku mid kaliya ahayn. Haddii ay ka badan yihiin hal jid, ha isku dayin in aad durbadiiba goysid marka uu tareenku ku dhaafo. Sug oo hubi tareen kale in aanu ku soo jirin wado kale ama jaho kale-kan kowaad waxa uu kaa qarrin karaa kuwa kale.

Isgoysyada badan ayaa leh albaabo iyo nalal gaduudan iyo jaras (ama gambaleel) digniin ah. Marka ay nalaka digniintu big-big leeyihiin waa in aad joogsataa. Waxay big-bigtaas u dhigantahay tareen ayaa soo socda. Waa sharcidarro in aad la wareegtid isbaarada hoos loo dhigay. Marka isbaarada kor loo qaado nalalkuna joogiyaan big-bigta waad socon kartaa. Haddii ay nalaka digniintu big-big leeyihiin isgoyskuna uusan isbaaro lahayn waa in aad joogsataa. Sida kaliya oo aad ku gudbi karti waa marka uusan tareeenka muuqanin.

Haddii isgoysku uusan lahay isbaaro iyo nal, sug in kugu filan marka uu tareenku ku dhaafo si aad dhan walba ee wadada aad ugu aragtid si wanaagsan inta aadan bilaabin in aad goysid wadada.

Sidii aad samayn lahayd haddii aad ku xanibbanto jidka tareenka
Haddii gaarigu kaaga fariisto jidka uu tareenka maro dhexdiisa, isla markiiba ka saar dadka saran oo dhan xataa haddii aadan arkin tareen soo socda. Dhakhso uga baxa jidka tareenka. Haddii uu tareenka soo socdana, u soco dhanka uu ka imaanayo tareenka marka aad ka baxdid jidka. Haddii aad u carartid dhanka tareenka uu u socdo, waxaad ku dhaawicmi kartaa firirka ka yimaada marka uu tareenku ku dhaco gaariga. Markii aad gaartid meel amaan ah ee ka durugsan isgoyska wac lambarka xaaladaha deg-degga ah ee jidka tareeka ee ku dhagsan isgoyska ama wac 9-1-1. Waa in marka hore la wacaa lambarka xaaladaha deg-degga ah ee jidka tareeka haddii la heli karo si ay war-tabiyey-yaasha (tareenadu) u howl galaan.

Xikmado la xiriira Darawalada Baabuurta Gaarka ah
Dadka wata mootooyinka waa in ay isgoysyada jidadka tareenka oo dhan si tartiib ah u maraan. Iska ilaali waxaa suurtowda inuu isgoysku jajabanyahay. Markasta isgoyska ku mar xagal ku dhow 90 darajo intii suura gal ah si aad iskaga ilaalisid in ay taayaradu ay kaa qabsadaan biraha wadada.

Gobolka Minnesota basaska Dugsiyada iyo basaska ganacsiga waxaa loo baahan yahay in ay joogsadaan isgoys walba ee jidadka tareenka. Darawalku waa in uu furaa albaabka shaqada iyo dariishadaha, damiyaana marawaxadaha iyo raadiyaha, dadkana faraan in ay aamusaan. Markaasi waa in uu eegaa dhagaystaana bal in tareen uu ka soo socdo dhinacna. Markaa wadada gooyaa oo kaliya marka ay amaan tahay. Inta aadan goynin wadada hubi in dhanka kale ay kuu banaan tahay in kugu filan in aan ka dhammaatid isgoyska haddii uu joogsi ku khasbanaatid. Marna ha joogsan jidka tareenka dushiisa. Marshada (ama gayrka) ha badalin marka aad goynaysid, si uuna basku kaga fariisan jidka dhexdiisa.

Baabuurta sidda waxyaabaha halista ah
Sharciyada dawladda Dhexe iyo kuwa gobolka waxa ay farayaan baabuurta sidda waxyaabha halista ah in ay joogsadaan isgoysyada jidadaka tareenada oo dhan. Si tartiib-tartiib ah u joogso si aan gadaal lagaaga dhicin. Marshada (ama gayrka) ha badalin marka aad goynaysid jidka tareenka. Markasta ay suurta gal ah isticmaal wadooyinka marka uu isgoyska tareenku uu leeyahay nalalka digniinta iyo isbaaro.

Intee ayay ku Qaadataa in Tareenku Joogsado?

Tareenadu si dhakhso ah uma joogsan karaan umana leexan karaan. Tareenka caadiga waxa uu le’egyahay 1 ilaa 1¼ mayl dhereer ahaan (90 ilaa 120 gaari-tareen ayuu ka koobmaa). Marka uu tareenku ku socdo xawaare dhan 55 mayl saacaddii, waxay ku qaadan kartaa hal mayl ama ka badan si uu u joogsado kadib marka uu bareega deg-degga ah qabto injineerka tareenka. Tareenka ka koobma 8-gaari kuna socda 80 mayl saacaddii waxay ku qaadataa hal mayl in uu joogsado. Sidee ayaan ugu bar-bar dhignaa baabuurta caadiga ah?

  • Baabuur fudud ee rakaab ee caadi ah kuna socda 55 miles saacaddii waxay ku qaadanaysaa 200 ee fiit si uu deg-deg ugu istaago-xaaladuhu marka ay fiicanyihiin-taas oo ah, luagaha iyo bareegyada tareenku fiican yihiin wadadana ay qallalan tahay.
  • Baska ama Faan ganacsigga ah waxa uu u baahan yihiin 230 fiit si ay u istaagaan.
  • Baabuur ganacsi oo isjiid ah waxa uu ku joogsan karaa 300 fiit-taas oo le’eg hal garoonka kubadda cagta
  • Tareenka fudud waxa uu u baahan yahay 600 fiit si uu u joogsado- taas waxa ay le’eg tahay labo garoon ee kubadda cagta.
  • Haddii aan bar-bar dhigno tareenkii caadiga ahaa ee aan kor ku soo sheegnay ee ku socday 55 mayl saacaddii in uu ku qaadan karto baaxad dhan 18 garoon ee kubadda cagta si uu ku joogdsado.

Tareenadu ma leexan karaan-ee waxa ay raaci karaan biraha wadada kaliya. Waxa kaliya oo injineerku samayn karo waa inuu qabto bareegga deg-degga ah.

Wuu ka dheerayaa kana dhowyahay inta aad moodaysid!
Sida diyaaradaha oo kale ee aad moodid in ay aayar u socdaan ayaa indhahaagu ku siri karaan marka uu tareenka soo socdo-waa dhalanteed ah in uu tareenku fogyahay uuna ka gaabiyo inta uu dhab ahaan ku socdo. Ha u bareerin khatarta -way fududahay inuu kaa khaldamo xawaaraha uu ku socdo tareenka iyo inta uu kuu jiro gaar ahaan habeenkii. Haddii aad aragtid tareenka iska sug (inta uu kaa gudbayo).

Meeraysi Dhul (Trespassing)

Jidadka tareenada waa hanti gaar ah. Meelaha u dhow wadada waxaa sidoo kale iska leh isla tareenadaas. Waxaa loo yaqaan “mudnaanta koowaad ee wadada” (right-of-way). Dadka aan u haysan ogolaansho in ay joogaan dhulka iyo dhismeyaasha jidadka tareenka waa meerestayaal (Trespassing). Hantida jidadka tareenada waxaa laga yaabaa in lagu dhajiyo calaamado kala duwan ee leh “Ha ku Meeraysan” (No Trespassing). Calaamaha oo dhan micnahoodu waa ‘ka joog meeshaan” iyo “ha soo gudbin.” Xataa haddii ayan wadan wax calaamad ah, waa sharci darro waana khatar in la galo dhul gaar ah.

Maxaa ka mid ah khaladaadka dadku ay galaan marka ay galaan si sharci darro ah dhul u gaar ah jidadka tareenada?

  • Waxa ay ku mashquulaan waxa ay samaynayaan sida – socod, kaluumaysi biriijka hoostiisa iwm – mana siiyaan taxaddar gaar ah wadada tareenka.
  • Waxa ay aad ugu dhawaadaan jidka, ayaga oo moog in uu tareenku ka ballaaran yahay wadada ilaa lix fiit. Waxa kale oo ay moog yihiin ayaa laga yaabaa in silsiladdo, xargo iyo qalab kale ay ka furmi karaan tareenka kuna dhici karaan ayaga.
  • Waxay filaan tareenku in uu ka qaylo dheer-yihiin inta dhabta ah. Ama waxa dhagaha ugu jira qalabka dhagaysiga ama waxa ay fuushan yihiin baabuurta barafka ama ATV-yo (baabuur meel kasta marta) qariya qaylada tareenka.
  • Waxa ay la noqotaa in tareenku ka fogyahay ama ka gaabiyo sida dhabta ah.
  • Waxa ay la noqotaa in uu tareenku ka joogsan karo. Laakiin wakhtiga uu injineerka (tarenku arko) waxba kama gaaro in uu istaago.
  • Dadka boondooyinka jidadka tareenka ama tunelada waxa ay la noqotaa in ay tareenka iyo ayaga haystaan in ku filan marka uu gudbayo. Laakiin meeshu tareenka kaliya ayay ku filan tahay. Tareenku waxa uu ka ballaaranyaha wadada seddex fiit dhan walba. Marar waxa ay wadaan culays aad u badan. Waxaa intaa dheer silsilado, xargo iyo qalab kale ee ka raarici kara tareenka.

Dadka qaarkood waxa ay jecel yihiin in ay dhigaan jidka tareenka waxyaabo si ay u arkaan bal waxa dhacaya marka uu tareenku maro. Waxa ayna ka fakarin khatarta ay keeni karaan -sharci darrada ka sokow, waxa ay keeni kartaa geeri dadka meelahaas ku dhow taagan iyo dadka saran tareenka:

  • Dadka qaarkood tareenkii ayaa ku dhacay ayaga oo walxo dhigaya wadada-wadada kama aysan bixin ama waxaa ku dhacay tareen waddo kale ka yimid.
  • Wax yar-yar sida lacagta badanaa waa uu kala bixiyaa tareenku laakiin marar badan waxa si xoog badan oo geeri keeni kara u soo tuura lugaha tareenka. Waxa ay ku dhici kartaa qofkii dhigay ama dad kale ee meesha taagan.
  • Walxaha waaweyn waxa ay gadin-karaan tareenka, taas oo keeni karta dhawac iyo dhimasho

Walxaha lagu tuuro tareenku khatar taas oo kale ah ayay keeni kartaa. Wixii lagu tuuray dib ayay usoo noqon karaan ayaga oo ku socda xoog geeri keeni kara. Dadka ku tuura tareenka walxaha waxay galinayaan naftooda halis- waxa ay mashquul ku yihiin waxa ay samaynayaan, ayaga oo moog hareerahooda. Waxaa kale ay khatar dhaawac ama xataa geeri keeni karta galinayaan rakaabka tareenka.

Khatar badan ayay keeni kartaa gaariyada tareenka oo korkoda ama hoostooda lagu ciyaaro. Way ruxmaan gaariyadaas marka ay dhaqaaqayaan waxayna u luxmaan si kadis ah. Markasta isticmaal meelaha loogu tala galay dadka lugta ah marka aad goynaysid jidka.

Su’aalaha Inta badan la Isweydiiyo

Maxaa loola jeedaa Ololaha Nolol-badbaadin?
Ololaha Nolol-badbaadin waa hay’ad samo fal waxbarasho iyo wacyi galin ah ee ku fidsan goboladda oo dhan loogana danleeyahay in lagu dhameeyo shilalka, dhimashada ama dhaawaca ka dhaca isgoysyada jidadka tareenada iyo goobaha ay leeyihiin jidadka tareenada. Si uu u fuliyo howlihiisa barnaamijkan Ololaha Nolol-badbaadin waxaa uu adeegsadaa halkudhag ka kooban 3 E una taagan Waxbarashada (Education), Sahminta (Engineering) iyo Sharcifulinta (Enforcement). Ololaha Nolol-badbaadin waxa uu:

  • bara dadweynaha jidadka tareenada iyo nabadgalyada dadka lugeynaya.
  • ogolaadaa habka lagu hormarinayo nabadgalyada isgoysyada jidadka tareenada asaga oo adeegsanaya naqshadda iyo farsamada cusub.
  • Dhiiri galiyaa dhab u fulinta sharciyada lagu maamulo isgoysyada.

Maxay tareenadu mudnaanta horaynta ay ugu leeyihiin wadooyinka?
Tareenada si fudud oogama istaagi karaaan baabuurta ,maraya isgoysyada. Xataa haddii injineerka tareenku uu bareegyada xaaladda deg-degta ah qabto, tareenka ku socda 55 mayl saacaddii waxay ku qaadanaysaa hal mayl in uu ku istaago. Fatuuradda waxay ku qadanaysaa 200 oo fiit (tallabo) in ay ku istaagto. Fatuuradda ayaa istaagidda ooga fiican tareenka.

Maxay tareenadu aadka ugu dheeryihiin (fidsanyihiin)?
Tareenada aadka u fidsan (ama u dheer) waa kuwo leh tayo Kharash ahaana fiican. Waxay qaadaan alaabo badan taas oo micnaheedu yahay tareeno tiro yar in loo baahdo. Marka uu tareenku gudbayo isgoysku waxa uu xirnaan karaa laba ilaa iyo afar daqiiqo taas oo ku xirran xawaaraha iyo dhereka tareenka. Haddii isgoysku u dhawyahay meelaha tareenada ay isku badalaan waxa ay qaadan kartaa muddo intaas ka badan.

Maxay tareenadu mararka qaar uu tareen isaga fadhiyaa una xiraa isgoysyada?
Mararka qaar waxaa laga yaabaa in uusan tareenku dhaqaaqi karin markaasna ay khasab noqoto in uu tareenku fadhiyo isgoyska muddo ka badan intii caadiga ahayd; tusaale ahaan, marka uu hawada cadaadiska ah dib ugu shubayo bareegyada hawada ku shaqeeya kadib markii si kadis ah (xaalad deg-deg ah) uu ku istaago.

Maxay tareenadu deg-deg ugu goyn waayeen isgoysyada? Xawaaare intee le’eg ayay ku socdaan?
Xawaaraha ay tareenadu ku socdaan waxaa dejisa dawladda Dhexe. Xawaaraha waxaa lagu saleeyaa sida ay tahay xaaladda wadadu iyo halka ay ku taallo.

Maxay tareenadu si tartiib ah ugu socon waayeen?
Markale, tareenadu waxaa u degsan xawaare sharci ah. Xawaaraha oo ay yareeyaan micnaheedu ma aha in ay khasbayso in shilalku yaraadaan- in ka badan kala bar ee shilalka isgoysyadu waxa ay dhacaan marka uu tareenku ku socdo xawaare la mid ah 30 mayl ama ka yar saacadiiba.

Maxaan samaynaa marka uu nalka joogsigu shidan yahay haseyeeshee wax tareen ah ayna muuqan?
Haddii uu isgoysku leeyahay qalabka iyo lambar teleefoon ee xaaladda deg-degga ah wac lambarkaas; Haddii kale wac 9-1-1 ama hay’adaha sharci fulinta ee deegaanka adiga oo sheegaya meesha uu isgoysku dhab-ahaan ku yaal.

Laga soo xigtay: Ololaha Naf-badbaadinta

Xaqiiqada iyo Tirokoobka ( Mareykanka iyo Minnesota)

  • Caadi ahaan, dadka ku dhinta shilka isgoysyada jidadka tareenka ayaa ka badan dadka ku dhinta shilka diyaaradaha rakaabka.
  • Marka uu tareenku ku dhaco baabuur, waxay u dhigantaa baabuur dulmaray qasac soodha ah.
  • Tareenka caadiga ah miisaankiisu waxa uu u dhigmaa culayska 4,000 ee gaari oo la isu geeyay.
  • Seddex meelood-labo (ka mid ah) ee shilalka isgoysyada Mareykanka ka dhaca waxay dhacaan maalin cad.
  • Qiyaas ahaan labo saac ee kasta, baabuur ama qof lugeynaya ayaa waxaa ku dhaca tareen dalka Mareykanka; celcelis dhan 12 shil maalin kasta.
  • Waxaa lagu helay tirokoob horudhac ah oo ay samaysay Waaxda Maamulka Jidadka Tareenada: in sannadkii 2010, 262 qof lagu dilay shil halka 836 uu ka soo gaaray dhaawac helis ah 2,013 ee shil ee ka dhacay isgoys ee jidadka tareenka (kuwaass oo isugu jira isgoysyada dadweynaha iyo kuwa gaarka ah).
  • Sannadkii 2010, 2 qof ayaa ku dhimatay 18 na way dhaawacantay 43 shil ee ka dhacay isgoysyada jidadka tareenka ee Minnesota.
  • Sannadkii 2010, wadanka Mareykanka 443 qof ayaa ku dhimatay ayagu oo si aan sharci ahayn u goynaya wadada tareenka waxaana ka mid ahaa 3 qof ee reer Minnesota ah. Waxaa dhaawacmay 390 qof ayaga oo wadada khalad u goynaya waxaana ka mid ahaa 6 qof ee reer Minnesota ah.
  • Baabuuuraydu waxa ay 20 jeer khatarta ay ku jiraan in ay shil tareen ku dhintaan ka badanyihiin midka ka imaan kara shil gaari kale.
  • Isku dhaca baabuurta iyo tareenku badankiisu waxa uu ka dhacaa 30 mayl in u jirta guriga darawalka.
  • Kala bar in ka badan shilalka isgoysyada waxa ay dhacaan tareenka oo ku socda 30 mayl ama ka yar saacaddii.
  • Minnesota waxaa ka shaqeeya 20 waddo ee tareenka xamuulka ah, traeeka Amtrak ee dadka iyo jidka tareenka fudud ee Haiwatha.
  • Waxaa Minnesota ka jira 4,450 ee waddo tareen ee ganacsi. Haddii aad isku daba taxdid wadooyinka tareenka ee Minnesota gees-ka-gees, waxa ay la mid tahay adiga oo tareen ka raacay Minnesota una raacay Washington D.C kana soo noqday labo jeer.
  • Dalka Mareykanka waxaa jira qiyaas ahaan 203,000 ee isgoys ee hayway-iyo tareen oo isigu jira kuwo gaar ah, kuwo dadweyne iyo kuwa dadka lugta ah maraan.
  • Qiyaastii 30% ee isgoysyada dadweynaha ee Minnesota waxa ay leeyihiin nalalka digniinta oo shaqeeya.

Xeerarka Minnesota

  • Darawalka waa in uu mudnaanta kowaad uu isgoysyada aan isbaarada lahayn siiyaa (tareenada).Tareenadu ayaa markasta iska leh mudnaanta kowaad (right-of-way).
  • Haddii nalalku ay big-big leeyihiin, joogso kadibna soco oo kaliya haddii tareen aanu muuqan.
  • Waa sharci darro in lala soo wareego dibedda isgoysyada.
  • Darawalka waa in uu joogsadaa isgoysyada tareenada oo dhan haddii tareen muuqdo. Sug oo ha dhaqaaqin ilaa uu tareenku gudbo.
  • Basaska dugsiyada iyo kuwa ganacsiga waxaa looga baahanyahay in ay joogsadaan isgoysyada tareenada oo dhan haddii ay sidaan rakaab iyo haddii kaleba. Inta uu taaganyahay wadaha waa in uu furaa dariishadihiisa iyo albaabka shaqada, kadibna dhagaysto, fiiriyana labada dhan ee wadada bal in wax tareen ah uu soo socdo.
  • Baabuurta sida walxaha khatarta ah waxaa looga baahanyahay in ay joogsadaan isgoysyada tareenada oo dhan. Laakiin darwalku waa in uu si wanaagsan ee aan kadis ahayn u istaagaa si uuna shil kale u sababin
  • Waa xad-gudub dhul (trespassing) waana sharci darro in la tago (ama lagu dul socdo) dhul ama waddo tareen ee gaar ah.

Laga soo Xigtay:
Maamulka Wadooyinka Qaranka
Ololaha Naf-badbaadinta
Waaxda Gaadiidka ee Minnesota

Advertisements